Madaxweyenaha Puntland Oo Soo Xiray Shirkii Kalluumaysiga iyo Warmurtiyeed Ka Soo Baxay-Sawiro

Shirkii madasha horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Garoowe, waxaana si rasmi u soo xiray Madaxweynaha  Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shirweynahan oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa ka qaybglay  600 qof oo isugu jira  Wasiiradda kalluumaysiga federaalka iyo maamul gobolyeedyada dalka, mulkiilayaasha shirkadaha kalluumaysiga Soomaaliyeed, khuburo dhinaca kalluumaysiga, jaamacadaha dalka iyo hay’adaha caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinaca horumarinta kalluunka.

Madaxweyne Gaas  oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa mar kale  masiibo qaran ku tilmaamay  kalluumaysiga sharci darada ah ee badda Soomaaliya waddamada shisheeye ku xaalufiyaan. Madaxweynaha wuxuu xusay in  laban-laab ka badan tahay faa’iidada ay ka helaan jiriifayaashu badda Soomaaliya macaawimada beesha caalamku ugu deeqaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas

Wuxuu sheegay in ay lamid tahay ama ka xuntahay jariifkaasi tan shacabka Soomaaliyeed qaarkood sameeyaan taas oo ah in ay dhoofiyaan argoosato tarmaysa oo sidda hal milyan oo ukun ah, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey kalluumaysatada iyo shacabka Soomaliyeed in la illaaliyo oo la daryeelo argoosatada iyo waxyaalaha kale ee manfacale ee ku jira badda.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya iyo khayraadka Badda ayaa dhankiisa sheegay in DFS ku heelan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd jariifka sharci darada ah ee ka jira guud ahaan badaha Soomaaliya, isla markaana waxa uu tilmaamay in loo bahan yahay in meel looga soo wad- jeesto joojinta jariifkaasi.

Gabagabadii, shirweynahan oo ay soo qabanqaabiyee Hay’ada Shuraako iyo wasaaradda kalluumaysiga Puntland, islamarkaana ay maalgaliyeen hay’addo caalami ah, kuwa maxali ah iyo shirkadaha ganacsiga Puntland ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed, waxaana uu u qornaa sidatan.

WAR MURTIYEEDKA MADASHA KALUUMAYSATA SOOMAALIYEED

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kharaadaka Badda ee Puntland iyo hayadaha kala ha Secure Fishers iyo Shuraako oo katirsan barnaamijka One Earth Future waxay isla garteen mustaqbalka uu leeyahay kaluumaysigu si kor ugu qaado nolasha dadka , una dhiso dhaqaalaha horumarsan, una dhiiri galiyo amniga dadka xeebaha dagan Soomaaliya oo dhan. Kaluumaysigu wuxuu abuuraa furdase shaqo iyo dakhli waana matoorka kor u qaada dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin wuxuu noqday mid aan horumar samayn marka loo eego wax soosaarka kale ee dalka.

Madsaha Kaluumaysiaga Soomaaliya waxay isla garteed mas’uuliydda in la horumariyo Kaluumaysiga Soomaaliya in ay tahay arin ka wada dhaxaysa dhamaan Wasaaradaha Kaluumaysiga ee Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo faaiidada laga helayo xiriirka kakala dhexeeyay beesha caalamka iyo hayadaha aan dawliga ahayn (NGO’s).

Shirka Madasha kaluumaysigu wuxuu u dhacay si ay ku jirto xamaas furfurnaan ah iyo in laga midaysanaa sidii loo xoojin lahaa isku xirnaanta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo beesha caalamka iyo iyo hayadaha aan dawliga ahayn(NGO’s).

Madashaani waxay iftiimisay fursadaha looga adkaan lahaa caqabadaha hortaagan kaluumaysiga Soomaaliya.

Shirka Madasha Kaluumaysiga Soomaaliaya oo ka dhacay Garoowe,Puntland kusoo gabagaboobay   iskuna raacay arimaha soo socda:

1-kaluunka sharci darada ahi wuxuu culays saaray kaluumaystada Soomaaliyeed, kaasoo oo ku hayo dhib badan joogtaynta iyo faa’iido mustaqbal dheera ah ee kaluumaysiga Soomaaliya. Wuxuu kaloo kordhiyay nabad galyo xumada badda taasoo dhaawacaysa dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Sidaas daraadeed waxaa la isku raacay in la cirib tiro Kaluumaysiga sharci darada ah.

2- Biyaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kahraadka Kaluunka ee guur guura, ayna ka mid yihiin Tuunada, taasoo ay aad u danaynayaan kaluumaystada Ajaanibta ah. Sidaas daraadeed Soomaaliya ma lahan nidaam ay ku siiyaan shati maraakiibtaas, kamana faa’iidaystaan dakhliga kasoo gali lahaa shatiyadaas si loogu horumariyo arimaha kaluumaysiga. Sidaas daraadeed waxaa la isku raacay in la bixo shatiyada Badda Fog (Offshore Licence) , si ay uga faaiidaytaan dadka Soomaaliyeed.

3- Wasaarado badan oo ay ka mid yihiin kuwa kaluumaysiga ee heer Fedreraal iyo Dawlad Gobaleed ba malahayn xiriir joogto ah oo lagu horumariyo Kaluumaysiga Soomaaliya. Waxaa la isku raacay in ay sadexdii biloodba mar kulmaan si loo horumariyo Kaluumaysiga.

4-Madasha Kaluumsigu waxay aqoonsatay in ay aqoonta kharaadka badda ay muhiim u tahay aas aaska horumarinta kaluumaysiga Soomaalia. Maadaama Soomaaliya ay leedahay Xeebta ugu dheer Africa aysana lahayn awood ay ku tababarto kaluumaysatada. Waxaa la isku raaacyain la dhiso aqoonta cilmiga Badaha iyo Kaluumaysiga.

5- Kaluumaysiga Soomaaliya wuxuu u baahanyahay mashaariic la taaban karo oo le natiijo cad      oo si dhakhso ah u caawin karta kaluumaystada. Waxaa la isku raacay in mashaariicda mustaqbalku noqdaan kuwo horumarineed.

5- Hay’adduhu waa furaha kaluumaysiga, sidas daraadeed waxay u baahanyihiin in si cad loo hir galiyo siyaasdaha kaluumaysiga , lalana kaashashado daneeyayaasha kaluumaysiga. Waxaa kaloo loo baahanyahay Cawimaad caalami ah si loo horumariyo awooda hayadahaha Kaluumaysiga Soomaaliya. Waxaa la isku raacay in kor loo qaado awooda Haya’adaha Kaluumaysiga Soomaaliya.

6- Isku duwidda daneeyayaasha ariamaha kaluumaysigu aad ayay muiiim u tahay. Madasha Kaluumaysta Soomaaliyeed waxay dhiiri galinaysaa isku dubaridkaas iyo in la dhiso iskaashi lataaban karo. Waxaa laisku raacay in madashaan la qabto sanadkiiba hal mar.


You may also like...