featured

BOOSAASO OO LAGU SOO BANDHIGAY QALABKII LABAAD EE LAGU DHISAYO WADADA CEELDAAHIR IYO CEERGAABO

Qalabkaan oo ka kooban buubuur waaweyn , booyado , qalabka birta culus iyo qalab casri ah oo loogu talagalay in lagu kantaroolo wadada isku xirta ceel-daahir –ceergaabo oo si isku tashi ah lagu dhisayo ayaa lagu soo bandhigay dekedda magaalad Boosaaso .

Soo bandhigadda qalabkaan oo ay goob-joog ka ahaayeen xubno katirsan Golaha xukuumadda Puntland, maamulk Gobalka Bari , ganacsato iyo masuuliyiin kale ayaa ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha guddiga fulinta Cali Maxamuud Xassan , Gen Cali ismaaciil oo xubin ka ah guddiga iyo injineerka guud ee wada ceel-daahir-ceergaabo Aadan yuusuf barre , iyagoona ka sheekeeyey halka ay marinayaan hirgelinta wadadaas.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Caydiid , Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf maxamed wacays dhado iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Bada iyo ladagalanka Burcad badeeda   dawladda Puntland ayaa dhankooda si isku mid ah u soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan guddiga u xilsaaran wadada ceel Daahir iyo Ceergaabo Waxayna shacabka puntland ugu Baaqeen in ay ka qab qataan Dhismah wadadaassi.

Dhawaan ayaa la filayaa in la bi laabo dhismaha wada isku xirta ceel daahr iyo ceergaabo.

 

8

10

119

10

18

16

8

13

Comments are closed.