featured

Boosaso : Haweenka Oo Shaqo Loo raadinayo “Sawirro”

Munaasibada oo uu daafuray iskuduwaha Mashruuca fursad Ee Iftin Maxamed Bile Maxamed ayaa waxa uu tilmaamay in ujeedada ugu wayn ee carwadan ay tahay in haweenku ay bartaan sida shaqo loo raadsado , Si Ay shaqa Helistu ugu fududaato,
Isagoo dhinaca kalana Xusay in loo shaqeyayayaasha maanta ay isugu jiraan kuwo shaqooyin soobandhigayay hada iyo kuwo mustaqbalka lafilyo, islamarkaana Haatan gabdhaha jamiciyiinta ah looga baahan yahay in ay lahaadan rojo iyo dadaal wanaagsan,

Madaxa Mashaariicda ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Maxamuud Cismaan (Laambo) ayaa sheegay in uu bandhigan uu yahay Mid faaiido wayn ukeenaya haweenka jaamiciyiinta ah ee Puntland iyo guud ahaan soomaaliya,
Xildhibaan Cali maxamed Oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Boosaso ayaa sheegay in ka xildhibaan ahaan ay Marwalba dadaal ugali doonaan Dhiiri galinta haweenka, waxaana uu bogaadiyay Dadaadlada ay wadaan Hay’ada iftin Foundation iyo Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Puntland oo ay shaqo ugu raadinayaan haweenka Waxbartay ee reer Puntland

intaasi kadib waxaa Bilawday in Gabdhii ay CV-Yadooda ugudbiyaan loo shaqeeyayaashii Munaasibada soo xaadiray,

Gabagabadii waax Dareen-kooda iyo rajada ay kaqabaan in Sahaqoonyin ka ay Codsadeen in ay helaan kahadlay qaar kamid ah Gabdhihii kulankan ka qeybgalay, Waxeyna ka sheekeeyeen Rajadooda,

Si kastaba Ha’ahaatee Carwadani shaqo ayaa Noqonaysa tii ugu horeysay ee ka qabsoonta Magaaladda Boosaso, iyadoo ay Dhiiri gali ay unoqonayso kumanaan Haween ah oo haatan Dhigta jaamacadaha puntlan iyo guud ahaan Soomaaliya,

Barnaamijkana waxaa Horay looga soo sameeyay Magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho, Galkacyo, iyo Baydhabo, Waxaana ilaa hadda ka faa’ideystay inkabadan 200- Oo Gabdhood.
Qore:Eng: maxamed salad cumar madax ramaas software bosaso

Comments are closed.