featured

Dekadda magaalada Bosaso oo laga dhoofiyey in ka badan 20,000 oo neef

Dekadda weyn ee magaalada Bosaso-Puntland Somalia ayaa maanta laga dhoofiyey xoolo dhan 22,000, kuwaasi oo loo dhoofiey wadanka Sacuudiga

Xiliga dekadda laga dhoofinayey xoolaha ayaa waxaa kormeer ku yimid wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Puntland oo uu wehliyo wasiirka xanaanada xoolaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa wafdi wasiirka ganacsiga Puntland, gudoomiyaha rugta ganacsiga, ganacsato iyo agaasimaha maxjarada magaalada Bosaso.

Agaasimaha maxjarada Bosaso Maxamad Faarax Maxamuud ayaa uga warbixiyey wafdiga xaaladda maxjarada magaalada, waxa uuna sheegay in dekadda weyn ee magaalada laga dhoofinayo 22,000 oo xoolo ah kuwaasi oo ku sii jeeda wadanka Sacuudiga

…Xoolahan waxaa laga keenay gobolada Puntland, waxa ayna qeyb ka yihiin xoolo badan oo lag dhoofin doono dekadda ayuu hadalkiisa ku daray mudane Maxamad Faarax Maxamuud

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi indha guran oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in suuqyada Puntland ee dhinaca xoolaha uu marayo meel wanaagsan isla markaana dhawaan heshiis la galeen gaancsato iyo dhaqaatiir ka socotay dalka Masar si xoolo badan uga iibsadaan maxjarada Puntland-Somalia.

Comments are closed.