featured

DHISMAHA WADADA CEEL-DAAHIR IYO CEERIGAABO OO DHOWAAN BILAABAN DOONA

Waxaa magaalada Bosaaso soo gaaray qalabka lagu dhisaayo Wadada isku xiri doonta Degaanada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, waxaana maalmihii u danbeeyey Markab taagan dekadda laga daabulaayey qalab kala duwan oo muhiim u ah dhismaha wadada.

Mashruucan oo lagu dhisaayo waxa loogu Magac daray “Puntland ha isku tashato” ayaa dhismaheeda qaybta ugu weyn waxa qaadanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland iyadoo dhaqaale gaaraya malaayiin Doolar lagu kala qoray Gobalada.

Si lamid ah Goobaha Waxbarashada, Ganacsatada iyo Gadiidka kala duwan ayaa lagu soo rogey dhaqaale loogu tabarucaayo dhismaha wadadan.

Waxaana la aaminsan yahay inay wadadani muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan umadda reer Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalka Sanaag oo qaba dhibaato aad u weyn oo dhanka wadooyinka, waxaana la filayaa hadii ay wadadani hirgasho inay wax weyn ka badeli doonto Gobalkaas ayna ku xiri doonto Gobalada kale ee Puntland.

Comments are closed.