featured

Dood Cilmiyeed ku saabsan Bangiyada Ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Jaamacadda badda Cas-Sawiro

Dood cilmyeedkaan ayaa waxa soo abaabulay xarunta cilmi barista iyo hal-abuurka ee Jaamacadda Badda Cas, waxaana soo bandhigay Prof. Yasin Beeldaaje Xaaji Cabdullahi aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku xeeldheer bangiyada iyo maalgashiga.

Sidoo kale doodan waxaa ka qayb galay maamulka iyo macalimiinta jaamcadda, ardayda jaamacadda, rugta ganacsiga, warshadaha ee Puntland iyo ganacsatada kala duwan ee magaalada.

Prof. Yaasiin ayaa aad uga hadlay ahmiyada bangiyada iyo maalgashiga waxa uuna taabtay fursadaha ka jira iyo caqabadaha haysta. Sidoo kale waxa uu xusay in dalka Soomaaliya uu yahay dhul dihin una baahan maalgashi.
Ardayda ayaa iyana dawrkooda ka qayb qaatay iyaga oo xusay caqabadaha jira ee hortaagan maalgashiga iyo sidii dhalinta wax baratay ay u keeni lahaayeen fikrado maalgishi bangiyada ay ugu fududeen lahaayen maalgashiga.

Maxamed Maxamuud Cusmaan oo ka socday rugta ganacsiga ayaa ka hadlay ahmiyada ay leeyihiin bangiyada, rugta ganacsiguna ay dhiirigelinayso mar walba kana shaqaynayso sidii loo xoojinlahaa ganacsiga iyo ganacsatada deeganada Puntlanad. Waxaa uuna amaan usoo jeediyay jaamacada Bada Cas oo soo qabanqaabisay dood cilmiyeedkan iyo sida ay jamacadu uga qayb qaadanayso kobcinta dhaqaalaha iyo xirfada ganacsatada.

Guud ahaan dood cilmiyeedkan ayaa waxaa aad u bogaadiyey ka soo qayb galayaashii iyaga oo sheegay in la badiyo doodahan oo kale si horumar loogaaro lana ifiyo fursada si looga faa’iidaysto sidoo kalena laxaliyo caqabadaha ka jira ganacsiga iyo maal galhiga.

Tags:

Comments are closed.