featured

Magacyada musharixiinta rugta ganacsiga Puntland oo lagu dhawaaqay

 

Guddiga Qabanqaabadda Doorashadda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa maanta u Qaybiyay Kaararka Aqoonsiga Wakiiladda Shirkadaha ka Qaybgalaya Codaynta Doorashadda rugta Ganacsiga oo  Maalinta Beri ah ka dhacaysa Magaaladda Bosaso.

Kulan Ballaran  oo ka dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga ee Bosaso, oo ka qaybgaleen Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Puntland Maxamed Xasan Sooocade iyo Wasiirk K/xigeenka wasaaradda Cabdirisaaq Nuur Cumar  iyo Shirkadaha ka qaybgalaya Doorashadda rugta Ganacsiga Puntland ayaa sidoo kale lagu shaaciyay magacyada musharixiinta u tartamaysa Guddoonka Rugta Ganacsiga Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga  Qabqabaada Doorashadda Rugta Ganacsiga Isaaciil Axmed Dayib oo ugu horrayn ka hadlay kulanka ayaa ka sheekeeyay Caqabadihii iyo Guulihii ay gaareen Guddigu intii ay socotay qabanqaabada Doorashadda rugta Ganacsiga puntland. Waxaa kaloo uu ka hadlay Xeerka Doorashada ee rugta Ganacsiga oo asaas u ahaa Xulitaanka Shirkadaha ka qaybgala Doorashadda

“Xeerka Waxaa ku yaalay shuruudo in la fuliyo aad u adkayd, Shurudaahaas waxay kala ahaayeen Qofku inuu danta guud uu wax ku bixiyay, inuu rugta ganacsiga ka diwaangashanyahay,islamarkaana uu shatigiisa sanadwalba cusboonaysiisto iyo inuu shatiga Wasaaradda Ganacsiga uu haysto, cashuuran yahayna” ayuu yiri

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay  in ka badan 700 oo shirkadood ay  ka diwaangashan yihiin Rugta Ganacsiga, kuwasoo uu sheegay inay adkaatay sidii loo kala saari  lahaa

“ Boqol iyo kow iyo tobon shirkadood ayaa ka qaybgalay ayaa la yiri, oo qayb loo gooyay Haweenka, qayb Goboladda, Qayb kale Gollaha joogtada iyo  75 Dalladaha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyay

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Xasan Soocade oo kulankan Hadalo Kooban ka jeediyay ayaa  aad u ammaanay shaqada hufan ee ay qabteen Guddiga Doorashadda, Waxaa kloo uuu ka hadlay Doorashadda Guddoonka Rugta Ganacsiga ee Maalinta beri ah dhacaysa.

Wasiirku wuxuu ku booriyay Ganacsataa inay ka fiirsadaan Shakhsiyaadka ay u dooranayaa Guddoonka rugta Ganacsiga iyo Warshadaha puntland.

“ Doorashadani waxay ka mid noqon doontaa kuwa taarikhiga ah, Waxaana ka qaybgalaya Masuuliyiintii ugu saraysay dalka. Ganacsatow Qofkii hoggaamin lahaa rugta Ganacsiga Gacantiina ayuu ku jira,

Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ah Guddiga Qabqabaada Guddoonka Doorashadda Rugta Ganacsiga Puntland oo ka hadlay Kulanka ayaa faahfaahin ka bixiyay Qaabka loo codaynayo Doorashadda Rugta Ganacsiga.

Gees kale, Maxamuud Faarax Bile  oo ah Afhayeenka Guddiga ayaa  akhriyay Magacyadda musharixiinta soo codsaday Tartanka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye K/xigeenadda Rugta Ganacsiga Puntland, islamarkaana Buuxiyay Shuruudaha laga doonayay musharixiinta.

“Musharixiinta u Tartamaya Jagadda Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga puntland,  Waxaa ka mid ah C/raxmaan Warsame Jaamac oo ka socday Shirkadda OPEC, Sharmarke Ugaas Yaasiin oo ka socday Shirkadda Mareero Spare Parts iyo Maxamed Maxamuud Cismaan oo ka socda Shirkadda Xoolo dhoofinta ee Qandala” ayuu yiri

Musharixiinta kale ee u tartamayay Guddoomiye K/xigeenka 1aad Waxaa ka mid ah Maxamed Caydiid Jaamac oo ahaa Guddoomiye K/xigeenka hore ee rugta Ganacsiga puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*