featured

Ganacsade C/raxmaan Jaamac Warsame oo loo doortay gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland(Sawiro)

 

Ganacsade C/raxmaan Jaamac Warsame ayaa ku guuleystay dooarashada gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland, kadib doorasho xor ah oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda Bariga Afrika.

Waxaa goob joog ka ahaa doorashada oo ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey, xildhibaano, saraakiil, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, nabadoono, siyaasiyiin, ganacsato, haween, dhalinyaro, madax ka socotay jaamacadaha magaalada iyo marti sharaf kale.

Waxaa ku tartamayey xilka gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland 4 musharax oo kala ah: C/raxmaan Jaamac Warsame, Maxamad Maxamuud laambo, Sharmaarke Ugaas Yaasiin iyo Saalax Xabiib.

Waxxaaa la guda galay kadib markii ay dhammaatay khudbadihii ay jeedinayeen musharaxiinta codaynta wareega koowaad.

Saalax Cabdullaahi Maxamed 14 Cod

Sharma’arke Ugaas Yaasiin 10 Cod

Maxamed Maxamuud Cismaan 30 Cod

C/raxmaan Jaamac Warsame 45 cod

Hal cod oo xumaaday iyo Labo cod oo maqnaa 109 qof ayaa codaysay, waxaa xumaaday labo cod.

Waxaa isugu soo haray laba musharax xilka gudoomiyaha rugta ganacsiga wareega labaad oo kala ah C/raxmaan Jaamac Warsame iyo Maxamamuud Cismaan waxa ayna natiijada noqotay sidan.

C/raxmaan Warsame Jaamac 67 cod helay ayaa noqday gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland, halka Maxamed Maxamuud uu helay 40 Cod.

Codeynta wareegii Kowaad ee guddoomiye k/xigeenada 1aad ee rugta ayaa intaa kadib la guda galay
waxaana u tartamayey musharaxiinta kala ah: Maxamed Caydiid Jaamac, Maxamuud Faarax Bayr iyo Mukhtaar Siciid Yaasiin

Waxa ayna natiijada noqotay sidan.

Maxamed Caydiid Jaamac oo 57 cod helay  ayaa noqday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee rugta ganacsiga halka musharaxiinta kale ay heleen Maxamuud Faarax Bayr 40 cod iyo Mukhtaar siciid yaasiin 9 cod.

Waxaa sidoo kale la guda galay u codeynta musharaxiinta u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka labaad, waxaana u tartameyey Maxamad Cabdi Waaberi iyo Liibaan Maxamad Yuusuf.

Maxamed Cabdi Waaberi oo 55 cod helay ayaa noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee rugta ganacsiga, halka Liibaan Maxamed Yuusuf uu helay 49 cod.

Intaa kadib waxaa madasha lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha rugta ganacsiga C/raxmaan Jaamac Warsame oo u mahad celiyey dhammaan dadkii ka soo qeyb galay doorashada, isagoona Alle ka baryey in uu u fududeeyo xilka maanta loo doortay.

rugta-8 rugta-12 rugta-15 rugta-19 rugta-21 rugta-42 rugta-101 rugta-111 rugta-121

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*