Events / featured / Future Events / Multimedia

Ganacsatada Puntland oo kulan ka yeeshay dhismaha wadada Ceeldaahir & Ceerigaabo

axaa maanta hoolka shirarka hotel jubba ee magaalada Bosaso lagu qabtay kulan looga hadlayey mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta Ceel daahir iy Cerigaabo.

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka maamulka rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntlan, ganacsato, aqoonyahano, dhalinyaro, culimo’udiin iyo marti sharaf kale.

Waxaa soo qaban-qaabiyey kulanka maamulka rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland iyadoo ujeedka kulankaasi uu ahaa sidoo loo hirgalin laha dhisamaha wadaasi.

Mshruucaan qaban-qaabadiisu ayaa ah mid in muddo ah socotay haatana waxa uu marayaa heer gaba-gabo, oo waxaa dhawaan la qorsheeyey in la guda galo dhismaha

Gudoomiyaha rugta ganacsiga C/raxmaan Warasme Jaamac oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ganacsatada ay ka qeyb galeen mashruucyo lagu hormarinayey kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, isla markaana natiijooyin fiican laga gaaray

Ganacsade Cali Maxamuud Xasan ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda waxa uuna xusay in shacabka reer Puntland haddii ay is xilqaabaan in ay magaalooyinka ka hir galin karaan wadooyin laami ah.

udoomiyaha guddiga dhismaha wadada sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo suldaan Axmad Bashir oo ugu dambeen ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan dhismahan wadadaasi, isla markaana ah mashruuc qiima badan leh.

Si kastaba ha ahaatee ganacsatada Puntland ayaa ku hawlan dhismaha wadooyin laami ah sanadihii u dambeeyey.

kulanka-ganacsatada-2 kulanka-ganacsatada-3 kulanka-ganacsatada-8 kulanka-ganacsatada-9 (1) kulanka-ganacsatada-10 kulanka-ganacsatada-11 kulanka-ganacsatada-12 kulanka-ganacsatada-13 kulanka-ganacsatada-14

Comments are closed.