featured

Ganacsatada Puntland oo maanta ansixiyey heshiis ganacsi oo dhanka Dekada ah oo ay wada gaareen Puntland iyo Jabuuti(sawirro)

Bosaso(PP):Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta kulan isugu yimi ay soo qaban qaabisay Rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland ganacsatada iyo wasiirka ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soocade.

640x360xRugta-5_png_pagespeed_ic_Qoruf_LQjF

Kulanka ay maanta isugu yimaadeen ganacsatadu waxay ku meel mariyeen oo ay ku ansixiyeen heshiis dhanka dekada ah oo ay dhawaan wada gaaareen Puntland iyo jabuuti kaaso kusaabsan in kunteendharada ganacsatada Puntland  laga soo dajiyo dekada Jabuuti .

640x360xRugta-161_png_pagespeed_ic_s_urB-TK1q

Ganacsatada ayaana gacanta utaagtay ogolaatayna heshiiska oo dhawaan ay wada gaareen Puntland iyo Jabuuti .

Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo lahadlay Radio Garowe ayaa sheegay in muhiimada heshiiisku uu ahaa in Jabuuti ay ka caawiso Puntland sidii kunteen dharadu ku imaan lahaayeen ayna uga soo dagi lahaayeen dekada Jabuuti.

640x360xRugta-1_png_pagespeed_ic_RuLaEmgJxK

Soocade ayaa xusay in Ganacsatadu ay horay u isticmaali jireen dekadaha wadamada Khaliijka  isagoo tilmaamay intaas ay ganacsatadu cabasho ka keeneen iyadoo wakhti badan uu qaato inta uu soo socdo markabku,wuxuuna hadalkiisa sii raacshay  in aysan ganacsatadu jooji nayan ganacsigii kala dhexeeyay wadamada khaliija.

640x360xRugta-7_png_pagespeed_ic_1ZsfV8XRgs

Wafti uu hogaaminayey Madaxweyne Camay uuna qayb ka ahaa waftiga Wasiirka ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan soocade oo  dhawaan tagay Jabuuti ayaa heshiis dhanka ganacsiga ah lagaaray Madaxda dalka jabuuti, uuna qayb ka ahaa in Maraakiibta wada kunteendharada usocda Puntland ay isticmaalan dekada Jabuuti, maadama dekada Bosaaso aysan qaadi karin Maraakiibta wada Kunteendharada.

640x360xRugta-1_png_pagespeed_ic_RuLaEmgJxK-450x253 640x360xRugta-3_png_pagespeed_ic_Pcwo-NswN6-450x253 640x360xRugta-5_png_pagespeed_ic_Qoruf_LQjF-450x253 640x360xRugta-7_png_pagespeed_ic_1ZsfV8XRgs-450x253 640x360xRugta-8_png_pagespeed_ic_WFjaDydW1l-450x253 640x360xRugta-9_png_pagespeed_ic_DTjLiWPhHR-450x253 640x360xRugta-11_png_pagespeed_ic_YWiwD5666c-450x253 640x360xRugta-12_png_pagespeed_ic_anhdquHER--450x253 640x360xRugta-13_png_pagespeed_ic_dbCVwPmyvl-450x253 640x360xRugta-14_png_pagespeed_ic_LYec2WS1-Q-450x253 640x360xRugta-16_png_pagespeed_ic_s_urB-TK1q-450x253 640x360xRugta-17_png_pagespeed_ic_WjKfayJHe6-450x253 sss

 

Comments are closed.