featured

Kulan Looga Hadlayay Ganacsiga Puntland Oo Bosaso Ka dhacay (Sawirro)

Kulankan Bulshada ee Ganacsiga iyo Ganacsatada ee Lagu Qabtay Hotelka Gaceyte ee Bosaso, ayaa Waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin Iyo Ganacsato, Ayadoona Looga Hadlay Arimo Kala duwan,

Kulankan ayaa Loogu talagalay in laguga Wada Hadlo Arrimo Muhiim U Ah Ganacsiga iyo Ganacsatada Puntland, Waxaana Dadka Ka qeybgalay Kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga Puntland, Masuuliyiinta Dagmadda, Rugta Ganacsiga iyo Warashadaha Puntland, Iyo Masuuliyiinta Xarumaha Cilmiga sida jaamacadaha, iyo Ganacsatada Kala duwan ee Magaaaladda Boosaso.

Ayadoo Arimaha Wax la iska wydiiyay ay kamid ahaayeen, Diiwaangalinta Ganacsiyada Cusub, Wacyigalinta Bulshada ee ku aadan muhiimadda diwaan galinta Ganacsiyada Cusub , Halka Kuwii Horan U jirayna ay cusboonaysiinaystaan Shitiyada Ganacsigooda,

Iyo Sidii ay Kaalin Wanaagsan shiradaha Ganaciga ee waaweyn oga qaadan Laaheeyeen Ganacsiga Yaryar ee Hadda la abuurayo, Waxaanna Kulankan Bulsho Maalgaliyay Hay’adda UNOPS, Halka ay Siwadajir ah oga shaqeynayeen, Hay’adaha OCVP, JCCP Iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland,

Ismaaciil Cabdulaahi Oo Ka Socda OCVP Ayaa Sharaxay Tababaro Kala duwan Oo La siiyay Qaar kamid ah Ganacsatada Yar-yar ee Magaaladda Bosaso, isagoo umahadceliyay Dhamaan dadkii ka qeybgalay Tababaradaasi,

Qaar kamid ah Dadkii ka qeybgalayay Kulanka ayaa Wasiirka Ganacsiga Cabdiwali Xirsi Cabdulle indhaguran Weydiiyay Su’aallo Kala duwan Oo ku saabsan Hormarinta Ganacsiga, iyo Cabashooyin ay ganacsatadu usoo jeediyeen Wasaaradda,

Ugu Danbeyna Maxamed Cabdi waaberi oo ah Gudoomiye ku xigenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland Ayaa u mahadceliyay Dhamaan Hay’adihii Ka qeybqaatay Maalgalinta Ganacsatada Yar-yar ee Magaalada Bosaso,

Maahan Kulankii Ugu Horeeyay ee Noocaan ah , Kaas oo Looga arinsado Qaabka ugu wanaagsan ee Lagu hormarin karo Ganacsiga, Kaas oo Ka dhaca Magaaladda Dhaqaalah Puntland ee Bosaso,

SAWIRRO :

IMG_8929IMG_9260IMG_9257IMG_9239IMG_9238IMG_9235IMG_9234IMG_9230IMG_9227IMG_9226IMG_9225IMG_9220IMG_9219IMG_9215IMG_9214IMG_9210IMG_9209IMG_9207IMG_9202IMG_9198IMG_9197IMG_9196IMG_9194IMG_9190IMG_9189IMG_9188IMG_9187IMG_9186IMG_9185IMG_9184IMG_9180IMG_9179IMG_9178IMG_9177IMG_9175IMG_9174IMG_9173IMG_9171IMG_9166IMG_9165IMG_9159IMG_9155IMG_9152IMG_9150IMG_9149IMG_9148IMG_9147IMG_9144IMG_9143IMG_9142IMG_9139IMG_9138IMG_9137IMG_9136IMG_9134IMG_9132IMG_9130IMG_9128IMG_9127IMG_9126IMG_9125IMG_9121IMG_9120IMG_9119IMG_9118IMG_9115IMG_9112IMG_9111IMG_9110IMG_9109IMG_9108IMG_8943IMG_8940IMG_8937IMG_8936IMG_8931

Comments are closed.