featured

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ganacsatada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha

Xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaso-Puntland-Somalia ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayey abaaraha ka jira Puntland iyo sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen ganacsatada gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyadii ku dhaqn gobolada Puntland-Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in kaalin weyn ka qaataan gurmadka abaaraha aafeyey dadkii iyo duunyadii ku dhaqnayd Puntland.

…Waxaa ku boorinayaa ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha isla markaana ay tahay arrintaasi mid waajib diini ah ku ah qof walba oo muslim ah oo awoodi karaya in uu ka qeyb qaato gurmadka loo samaynayo dadka iyo duunyada ay abaaruhu ku dhaceen ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay ka bilowday gurmad biyo dhaamis ah 78-goobood oo ka mid ah dhulka ay abaaraha ba’ani kajiraan isla markaana maalin walba 10 foosto oo biyo ah oo maalinle ah la gaarsiiyo goob kasta oo ka mid ah 78-daasi goobood.

Ganacsatadii ayaa dhankooda sheegay s in ay sameysteen guddi isla markaana guddoomiye u doorteen sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah ganacsatada iyo culumaa’udiinka Puntland, guddigaas oo akoonno ka furi doona bangiyada Dahabshiil, Amal iyo Salaam Bank, isla markaana ay u hawl-geli doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha ee ay dawladdu ku dhawaaqday.
qore : maxamed salaad cumar madax ramaas software bosaso

Comments are closed.