featured

WAFTI KA SOCDA DALKA CUMAAN OO BOSASO KULA KULMAY rugta ganacsiga puntland

Weftigan oo ka soo kicitimay Dalkaasi Cumaan  ayaa isugu jirey masuuliyiin ka socdey rugta gacansiga Dalka Cumaan, wasaarad Ganacsiga Dalkaasi Cumaan, maamulka sare ee diyaarada  Salaala Airline .

wefdiga ayaa u jeedkiisu ahaa horumarinta ganacisga, iyo sidoo kale maalgashi ay doonayaan Dawladda Cumaan iyo ganacsatada wadankaasi inay maalgashtaan Puntland.

Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay  in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan wadankaasi Cumaan, Puntland iyo gebi’ahaanba Soomaaliya.

gudoomiyaha   rugta ganacsiga puntland  maxamed caydid  jaamac oo uga mahad naqay booqashada weftigani ay ku yimaadeen Puntland ayaa dhinaca kalena ku bogaadiyey dedaalka ay doonayaan inay ku maalgashadaan Puntland, waxaana  gudomuyu uu shegay in ka mamule   ahaan ay ufududayn doonaan wax kasta oo hirgelinaya xidhiidhka wadashaqayneed iyo kan ganacsi .

Comments are closed.