featured

Xarun caafimaad oo maanta laga furay magaalada Bosaso(Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Bosaso ee xarunta gobal Bari laga furay isbitaal cusub, kaasi oo loogu magac daray Daryeel Hospital.

Waxaa ka hawl galaya isbitaalkan dhaqaatiir isugu jira Soomaali iyo ajanabi, isla markaana leh qalab casri ah.

Munaasabaddii lagu furayey isbitaalka ayaa ka dhacday isla xarunta Daryeel Hospital, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka socday golaha wasiirada Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahano, saraakiisha amniga Puntland, madax ka socotay shirkadaha isgaarsiinta, waxgarad, dhalinyaro, haween, qurbo joog, ganacsato iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan dhanka caafimaadka.

Dr. Ismaaciil Ciise Rooble oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in u jeedka loo furay xaruntan ay tahay, kadib markii ay arkeen baahiyo badan oo shacabka reer Puntland iyo Soomaaliya ay u qabaan xarun noocaan oo kale ah.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Dr. C/qani Saciid Faarax oo ah agaasimaha isbitaalka waxa uuna sharaxaad dheer ka bixiyey hergelinta xaruntan caafimaad iyo waxa ay mustaqbalka hiigsanayaan.

Waxaa xariga ka jaray xarunta Dr. Saadiq Eenow wasiirka caafimaadka Puntland, isagoona ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay ka faa’ideystaan dhaqaatiirta ka hawl galaysa xarunta cusub.

Waa markii ugu horeysay ee xarun noocaan oo kale ah laga furo magaalada Bosaso iyo guud ahaan Puntland.

IMG_0137 IMG_0163 IMG_0166 IMG_0167 IMG_0171 IMG_0274 IMG_0280 IMG_0288 IMG_0292 IMG_0305 IMG_0316 IMG_0329 IMG_0331 IMG_0332 IMG_02761 jarid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*